Xiddig Real Madrid ah oo cagta saaray wadadii uu ugu biiri lahaa kooxda PSG.

0
113

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Xiddig kooxda Real Madrid ah ayaa cagta saaray wadadii uu ugu biiri lahaa naadiga reer France ee Paris Saint-Germain.

Ciyaaryahanka Real Madrid ee Marco Asensio, ayaa ku dhow inuu soo gabagabeeyo mustaqbalkiisa Los Blancos, isaga oo magaciisa lala xiriirinayo Paris Saint-Germain.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Catalan ee Sport, codsiga qandaraaska Asensio wuxuu ka yimid agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Paris, Luís Campos, si uu uga caawiyo kooxda inay ku guuleysato koobka Champions League.

Fikrada ku aadan sixiixa Marco Asensio, ayaa waxay imaaneysaa xili uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhexeeya koxaha Real Madrid iyo PSG, maadaama ay ku kala xumaadeen heshiiskii Kylian Mbappe, oo ugu dambeyntii doorbiday inuu sii joogo caasimada Paris, isla markaana aanan u dhaqaaqin caasimada Madrid ee dalka Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here