Neymar Jr oo ka hadlay ku guuleysiga Lionel Messi ee Koobka Adduunka 2022.

0
99

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Laacibka reer Brazil ee Neymar da Silva, ayaa daabacay hambalyo gaar ah oo uu u diray saaxiibkiis Lionel Messi oo kula guuleystay Koobka Adduunka 2022 xulkiisa qaranka Argentina kaddib markii ay ka adkaadeen France.

Xulka Argantina ayaa loo caleemo saaray Koobka Adduunka 2022 kaddib markii ay rigoorayaal 4-2 ah kaga qaadeen dhigooda France, ciyaar leysku daalay oo ku dhammaatay barbardhac 3-3 ah.

Lionel Messi ayaa ka soo muuqday koobkii adduunka ee 2022, wuxuuna xulkiisa ku hoggaamiyay koobka adduunka, si uu qof walba ugu xaqiijiyo inuu yahay midka ugu fiican taariikhda, shaqsi ahaan ama qaab ciyaareed wadareed.

Neymar da Silva ayaa bogiisa rasmiga ah ee shabakada bulshada ee “Twitter” ku soo qoray hambalyo gaar ah oo uu u diray saaxiibkiis Lionel Messi kaddib markii uu ku guulaystay koobkii aduunka wuxuuna yiri: “Hambalyo walaalkay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here