Tahriibayaal ay ku jiraan dalal ay ka mid tahay Itoobiya oo lagu xiray dalka Zambia.

0
116

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciiddan ka tirsan Hay’adda Socdaalka ee dalka Zambia ayaa waxay bishan December 14-dii u dhaceen Guri lagu hayey Tahriibayaal ka soo kala jeeda dalal ay ku jirto Itoobiya.

Shabakada Times of Zambia oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qortay inay Ciiddanka qaadeen Hawlgalkaasi, kadib, markii lagu soo wargeliyey in Guri ku yaalla Degmadda Chibombo ee Bartamaha dalkaasi lagu hayo Muhaajiriin Shisheeye ah.
.
Mukhalaska oo 31 jir ah, laguna magacaabo John Mukalama iyo 14 qof oo Muhaajiriin ah ayaa laga soo qabtay gurigaasi, sida ay sheegtay Ku-Simaha Sarkaalka Xiriirka Dadweynaha ee Hay’adda Socdaalka ee dalka Zambia, Josephine Malambo.

Waxay intaasi ku dartay inay Saraakiisha si degdeg ah uga jawaabeen Wicitaan uga yimid Haweeneyda leh Milkiyadda Guriga lagu hayey Muhaajiriintaasi oo tilmantay inay Daaqada ka aragtay ilaa 14 qof oo Muwaadiniin Shisheeye ah.

Ciiddanka waxay wadaan Hawlgal ay ku baadi-goobayaan Haweeney horey u kireysatay Gurigaasi oo magaceeda lagu soo oogay Doreen Mwanza.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here