Twitter-ka oo ka hadlay fal celin kaga timid Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

0
96

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaramada Midoobay, ayaa ku biirtay ururka Midowga Yurub cambaareynta loo jeedinayo go’aanka Twitter-ka, ee uu ku xiray qaar kamid ah akoonada saxafiyiinta wax ka tabiya baraha bulshada.

Weriyeyaasha New York Times, CNN iyo Washington Post, ayaa kamid ahaa kuwa laga xiray akoonnadooda.

Qaramada Midoobay ayaa barteeda twitter-ka kusoo qortay in xoriyada saxaafadu aysan ahayn “wax lagu ciyaaro”, halka Midowga Yurub uu ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabatayn.

Afhayeen u hadlay Twitter-ka, ayaa u sheegay shabakada wararka ee tignoolajiyada Maraykanka, in akoonada la xir xiray ay la xiriirto la wadaagista tooska ah ee xogta qofka goobta uu ku sugan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here