Maalinta Afka Carabiga oo Maanta laga Xusayo Caalamka.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Luuqada Carabiga ah waa Mid ka mid ah luqadaha adduunka ugu qadiimiga ah iyo kan lixaad ee sida caadiga ah looga hadlo adduunka, Carabi wuxuu ka yimid luqadaha Bariga Dhexe qarnigii 7aad.

December 18, 1993, Qaramada Midoobay waxay aqoonsatay Carabiga mid ka mid ah lix luqadood oo rasmi ah oo Qaramada Midoobay ah, iyada oo qiratay muhiimada iyo isticmaalka baahsan ee adduunka oo dhan.
Maalinta Caalamiga ah ee Luuqadda Carabiga ayaa la aas aasay sanadkii 2010 iyadoo UNESCO ay u aas aastay si kor loogu qaado fahamka dhaqanka iyo in Carabigu uu noqdo mid ka mid ah luqadaha ugu muhiimsan adduunka. Maanta, waxaa jira saddex nooc oo Carabi ah: Classical; casriga ah, kaas oo loo isticmaalo daabacaadda, waxbarashada iyo warbaahinta dunida Carabta.
Ustaad Xusen Ibraahin Nuur oo kamid ah bahda waxbarashada gobolka Hiiraan ayaa kawaramayo ahmiyada maalintan.

Warbixintan Gaarka ah waxaa inoo Soo jeedineysa : – Maryama Shiikh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here