Magaalada ugu weyn shiinaha oo gashay xayiraado cusub oo Covid-19 awgii.

0
100
China CovidJowhar – ( Radio Isnaay ) – Magaalada ugu weyn Shiinaha, ee Shanghai, ayaa amartay in iskuulada badankood ay fasalada ku qaataan qaab online ah iyadoo kiisaska Covid ay sii kordhayaan.

xarumaha xannaanada carruurta ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in la xiro.

Xayiraadaha ayaa dib loo soo rogay toban maalmood ka dib markii la fududeeyay iyadoo mas’uuliyiinta Shiinaha ay u muuqdeen inay ka guurayaan istiraatiijiyadooda Covid.

Tirada soo sheegaysa dadka qaba covid ayaa sii kordhaysay.

balse burburka ku yimid hababka baaritaanka ayaa warbixintaka dhigaysa mid aan macquul aheyn in la ogaado sida uu fayrasku u faafay.

Waxaa jira walaac laga qabo in kaabayaasha caafimaadka Shiinaha aysan diyaar u ahayn inay la qabsadaan kororka degdegga ah ee bukaannada.

Qaar ka mid ah dugsiyada Shanghai ayaa horey u joojiyay fasalada kahor ogeysiiska rasmiga ah sababo la xiriira macallimiin iyo xubno badan oo shaqaale ah oo xanuunsanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here