Elon musk oo lagala baxay booska ninka ugu taajirsan dunida.

0
102

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Elon Musk ayaa lagala wareegay booska ugu sarreeya ee liiska dadka ugu hantida badan caalamka ka dib markii uu sanadkan hoos u dhac weyn ka sameeyay saamiga uu ku leeyahay shirkadda soo saarta gawaarida korontada ku shaqeeya ee Tesla.

Sida lagu muujiyay xogta Majalladaha ka faallooda dhaqaalaha ee Forbes iyo Bloomberg labadaba, Mr Musk waxaa booska ka qaatay nin kale oo lagu magacaabo ernard Arnault, oo ah madaxa shirkadda hantida qaaliga ah iibisa ee LVMH.

Elon Musk qudhiisu waa madaxa shirkadda Tesla ahna qofka saamiga ugu weyn ku leh dhaqaalaha shirkaddaas. Waxaa lasoo tebiyay in saamigiisu uu yahay qiyaastii 14%.

Bishii October ayuu dhammeystiray heshiis uu kula wareegay shirkadda Baraha Bulshada ee Twitter, taas oo u uku iibsaday lacag dhan $44 bilyan oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here