Wilfried Zaha Oo Ka Farxiyay Arsenal Iyo Chelsea.

0
122

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wilfried Zaha ayaa diyaar u ah inuu burburiyo qandaraaskiisa Crystal Palace

Zaha ayaa haatan ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Palace taas oo la macno ah in uu si xor ah ugu dhaqaaqi karo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Zaha ayay u badan tahay inuu diido heshiis cusub oo uu ku sii joogo Palace, isla markaana uu burburiyo qandaraaskiisa, taasoo ka farxisay kooxaha xiiseynaya ee Arsenal iyo Chelsea

Arsenal ayaa laga yaabaa inay ka faa’ideysato kooxda ay xafiiltamaan ee London marka la eego hadal uu horay u yiri laacibkaan.

Zaha ayaa horay u qirtay inuu yahay taageere Arsenal, inkastoo uu si qoto dheer u jecel yahay Palace.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here