Maraykanka oo qorshaynaya inuu Afrika ugu yabooho $55 Bilyan.

0
105

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maraykanka ayaa sheegay inuu ugu yaboohayo Afrika lacag gaadhaysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sano ee soo socota.

Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa, xilli uu madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo.

Dalka Maraykanka waxaa soo gaadhay hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka aadka u ballaadhan oo dhexmaraya Maraykanka iyo dalalka Afrika, waxaana shirkan ka qeyb galaya wufuud gaadhaysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midawga Afrika.

Inta uu socdo kulanka labada dhinac, ayaa la filayaa inay kaga wadahadlaan, dib u eegista xidhiidhka labada dhinac, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah ee Afrika iyo in wadahadal laga yeesho, caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimoqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada, iyo qodobo kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here