Kooxaha Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh Semi-final-ka Koobka Adduunka.

0
108

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa la gaadhay Semi-final-ka koobka adduunka iyada oo ay kaliya 4 xul ka soo gadheen 32-kii xul ee bilowday koobka adduunka bishii hore.

Kooxaha kala duwan ayaa si dhaw ula socda kulamada ugu dambeeya ee koobka adduunka xilli la sugayo in la ogaado xulka ku guulaysanaya horyaalnimada adduunka.

Kooxda Bayern Munich ayaa ah kooxda sida dhaw ula socon doonta wareega Semi-final-ka koobka adduunka maadama ay xiddigaha ugu badan ku leedahay wareega koobka adduunka.

Beyern Munich ayaa ku leh 6 xiddig Semi-finak-ka koobka adduunka waxa ku xigta kooxaha Atletico Madrid iyo Sevilla ayaa ku leh min 5 xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here