Facebook oo tallaabo adag qaadaysa haddii Maraykanka laga ansixiyo sharci cusub.

0
111

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda iska leh shabakadda Facebook ee Meta Platforms Inc. ayaa sheegtay inay ku khasbanaan doonto, inay dib uga fikiraan” inay gebi ahaanba shabakaddooda ka saaraan wararka kala duwan haddii golaha baarlamaanka ee Maraykanku uu meel mariyo sharci cusub oo dhigaya, in shirkadaha tignoolojiyadda ka shaqaystaa inay lacag ku bixiyaan wararka kala duwan ee lagu soo daabaco shabakadohooda, oo ay siiyaan hay’adaha warbaahinta ee iska leh wararkaas.

Haddii la ansixiyo xeerka tartanka iyo ilaalinta saxaafadda, wuxuu u ogolaan doonaa hay’adaha warbaahintu inay si wadajir ah ugala xaajoodaan shabakadaha isgaadhsiinta, hannanka wararkooda loogu baahinayo baraha isgaadhsiinta ee bulshada.

Shirkadda Meta ayaa sheegtay, inay doorbidayso “inay shabakaddeeda ka saarto dhammaan wararka kala duwan ee lagu baahiyo, halkii ay geli lahayd wada-xaajood ay dawladdu Khasab ka dhigtay inay galaan, taasoo ay u aragto shirkadda Meta, in tallaabadani ay tahay mid caddaalad darro ah oo aan tixgelinayn qiimaha iyo adeega ay shirkaddoodu u fidiso hay’adaha warbaahinta oo ay ku jirto inay kor u qaadaan tirada dadka soo booqanaya iyo weliba inay helaan macaamiil cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here