Dacwad oogayaasha Peru oo eedeymo u soo jeediyay madaxwaynihii xilka laga tuuray

0
85

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dacwad oogayaasha dalka Peru ayaa ku eedeeyay madaxwaynihii garabka bidix ee xilka laga tuuray Pedro Castillo kacdoon iyo shirqool uu ku jabiyay nidaamka dastuuriga ah.

Dacwaddaan ayaa waxay ku soo beegantay saacado un ka dib markii Pedro Castillo uu isku dayay inuu kala diro Congress-ka taas oo sababtay in markii dambe xilka laga qaado.

Madaxweyne ku xigeenkiisii ​​hore, Dina Boluwarte, ayaa loo dhaariyay inay noqoto hoggaamiyaha cusub ee dalkaasi.

Dhanka kale Mexico ayaa sheegtay in haddii Mr Castillo uu magangelyo weydiisto ay siinayaan. Warbaahinta maxaliga ah ee Peru ayaa sheegtay in markii la xirayay uu ku sii jeeday safaaradda Mexico ee Lima

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here