Itoobiya oo korontada dib ugu soo celisay gobolka Tigray.

0
106

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Itoobiya ayaa korontadii dib ugu soo celisay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigreega ee waqooyiga dalkaas

Dadka ku nool magaalada ayaa hadda si buuxda ugu riyaaqay tallaabadani ka dib muddo ka badan hal sano oo ay koronto la’aan ahaayeen, sida ay BBC-da u sheegeen idadka ku sugan magaalada. “Korantadu waxay magaalada ka shidnayd ilaa shalay (Talaada),” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Warbaahinta Fana ee ay dawladdu leedahay ayaa laga soo xigtay af-hayeen u hadlay Wakaaladda Korontada ee Itoobiya (EEP) oo sheegay in korontadii dib loo soo celiyay ka dib markii dayactir lagu sameeyay khadka korontada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here