Xanuunka Jadeecada oo ka dilaacay gobollo ku yaalla Maraykanka.

0
118

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cudurka Jadeecada ayaa ka dillaacay Maraykanka, kaas oo ku sii badan Gobollada ay Soomaalidu ku badan tahay sida Minnesota iyo Ohio. Gobolka Ohio illaa iyo haatan waxaa laga helay illaa 50 qof oo uu ku dhacay xanuunka Jadeecadu, waxaana taasi keentay in la xiro qaar ka mida iskuulada iyo weliba goobaha caruurta lagu xanaaneeyo.

Sida wararku sheegayaan, 20 ka mid ah, 50-ka qof ee xanuunkan laga helay ayaa la dhigay cusbitaalada gobolka Ohio, sida ay sheegtay waaxda caafimaadka ee magaalada Columbus.

Wasaarada Caafimaadka Dalka Mareykanka ayaa wado da,daalo wax looga qabanayo cudurka jadeecada eek a dilaacay qeeybo kamid ah dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here