Suarez oo diiday in uu raalli gelin ka bixiyo arrintii uu ku sameeyay Kooxda Ghana

0
107

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weerar yahanka xulka qaranka Uruguay, Luis Suarez, ayaa diiday in uu raalligelin ka bixiyo kubbaddii uu gacanta ku qabsaday markii ay kulan ka tirsan Koobka Adduunka la ciyaarayeen xulka Ghana sanadkii 2010.

Suarez ayaa garoonka laga saaray ciyaarta oo mareysay daqiiqaddii ugu dambeysay ee waqtiga dheeriga ah. Ghana iyo Uruguay ayaa ku hardamayay Siddeed Dhammaadka tartanka Koobka Adduunka.

Kubbad ay kooxda Ghana ku tureen goolka oo ku socotay in ay gudaha u gasho shabaqa Uruguay ayuu Suarez gacanta ugu celiyay sida gool hayaha.

Gool ku laad lagu abaal mariyay Ghana ayuu ciyaartoygii loo dhiibay oo ahaa Asamoah Gyan ka khasaariyay, sidaasna waxa uu Suarez sabab ugu noqday in Ghana ay ka harto Koobka Adduunka oo ay taariikh cusub ka sameyn lahayd.

“Ciyaaryahanka Ghana ayaa khasaariyay gool ku laadkii loo dhigay, aniga ma ihi qofka khasaariyay,” ayuu yiri Suarez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here