Hey’adda caafimaadka Adduunka oo badashey magacii cudurka Monkeypox.

0
125

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), ayaa ku dhawaaqay magac cusub oo ay door bidayaan in loo bixiyo fayraska Daanyeerka ka yimaada ee la yiraadho Monkeypox, iyadoo hey’addu ay sheegtay inay u badashay magaca cusub ee mpox.

WHO, ayaa waxay sheegtay inay gaareen cabashooyin magaca hadda jira uu yahay “cunsurinimo iyo dhaleeceyn” iyo in, la tashiyo lala yeesho khubarada.

Mpox, ayaa waxaa si isku mar ah looggu isticmaali doonaa cudurka Daayeerka muddo hal sano ah.

Intaa ka dib, magacii hore waa laga guuri doonaa.

WHO ayaa waxay ku boorisay hay’adaha kale ee caafimaadka iyo warbaahinta, inay sidoo kale qaataan magaca cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here