Japan 0-1 Costa Rica: Fuller oo Fursad Dahabi ah siiyay Xulka Germalka

0
83

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Costa Rica ayaa ayaa guul muhiim ah ka gaartay xulka Japan 1-0 taasi oo fursad siisay Xulka Cost Rica  iyo Jarmalka dariiq macquul ah oo ay dib ugu soo laaban karaan Koobka Adduunka.

Labada Xul ayaa u muuqday kuwa ku kala baxay bar-baro ilaa dhamaadka Ciyaarta Daqiiqadii 81aad markaasi uu Xidiga K. Fuller Spence uu Gool Dahabi ah u dhaliyay Xulkiisa.

Japan ayaa inta badan ahayd kooxda ugu fiicneyd, gaar ahaan qeybta labaad, laakiin Costa Rica ayaa ku adkeysatay goolkaasi.

Natiijadu waxay ka dhigeysaa in labada kooxoodba ay seddex dhibcood ku sii socdaan kulamadii ugu dambeeyay, iyadoo Jarmalku uu haatan fursad u heysta inuu u soo baxo wareega 16ka hadii uu badiyo kulamada kale.

Kulanka ugu dambeeya ee Group E ee Japan ayaa la ciyaaraya Spain, halka Costa Rica ay la ciyaareyso Germany, iyadoo labada kulanba ay isku mar dhici doonaan Khamiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here