Dadweynaha Shiinaha oo ku gacan seyray awaamiirta xanibaadda Covid19.

0
116

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mudaaharaadyada loogga soo horjeedo xannibaadaha cudurka safmarka Covid19 ee dalka Shiinaha, ayaa u muuqda inay sii kordheen, kadib markii dab kacay, ay ku dhinteen 10 qof guri dabaq ah oo ku yaalla Urumqi.

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka Shanghai, si ay u xusaan​​dhibanayaasha, oo ay uga soo horjeedaan xannibaadaha.

Dad badan ayaa la maqlayey iyagoo dalbanaya madaxweyne Xi Jinping inuu iscasilo.

BBC-da ayaa waxaa soo gaarey akhbaarta ah in ugu yaraan saddex qof ay booliiska xireen.

In kasta oo mas’uuliyiinta Shiinaha ay beeniyeen inay tahay sababta, mas’uuliyiinta Urumq, ayaai waxay soo saareen raalli-gelin aan dabayaaqadii Jimcihii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here