Ronaldo Oo Laga Tuuray WhatsApp-ka Man United & LABADA Xiddig Ee Admin-ka Ka Ah.

0
107

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sida ay warar cusubi sheegayaan, weeraryahanka kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa laga tuuray qolka WhatsApp ee ay ku midaysan yihiin xiddigaha kooxdiisu.

Ronaldo ayaa dhawaan guud ahaan dunida kubadda cagta gaar ahaan Manchester ku ruxay waraysi uu dhinacyo badan ku duqaynayo oo uu siiyay saxafi Piers Morgan.

Ronaldo ayaa dhaliilay dad badan oo ay kamid yihiin tababare Erik Ten Hag, mulkiilayaasha The Glazers oo lagu daray halyeeyada kooxda ee Gary Neville iyo Wayne Rooney iyo waliba dhinacyo kale oo badan.

Haatan sida uu sheegayo il-wareedka Indykalia News, xiddigaha Man United oo aan la dhicin waxa uu sameeyay Ronaldo ayaa qolkoosa WhatsApp ka saaray 37 sano jirkaas.

Il-wareedka ayaa sheegaya inaysan wali caddayn cida Ronaldo ka saartay Group-kaas balse ay maamulaan oo wixii lagu darayo iyo wixii laga saarayaba masuul ka yihiin kabtan Harry Maguire iyo khadka dhexe ee Scott McTominay.

Waraysiga uu Ronaldo ku sheegayo in la khiyaamay ayaan waliba lasoo wada dayn oo la filayaa in caawa amaba habeen dambe rasmi loosii daayo 90-ka daqiiqo ee uu ka kooban yahay oo dhan.

Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in tababare Ten Hag uusan doonayn in Ronaldo abid kooxda dib u metelo walow ay kooxdu warbixin rasmi ah ku sheegtay inay waraysiga oo dhan sugayso kaddib go’aan gaadhi doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here