“Waa Bilaa Ixtiraam” – Ciyaartoyda Manchester United Oo U Jawaabay Cristiano Ronaldo.

0
116

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciyaartoyda Manchester United ayaa ka falceliyey hadalladii layaabka lahaa ee xalay kasoo yeedhay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo sheegay inay khiyaamaysay Manchester United, sidoo kalena aanu wax ixtiraam ah u haynin tababare Erik ten Hag oo uu ku eedeeyey in aanu isaguba ixtiraamin.

37 jirka reer Portugal ayaa waraysi layaableh oo uu bixiyey waxa uu xalay ku qabsaday warbaahinta dunida, iyadoo uu si aad ah dhulka ugula galay Manchester United oo uu sheegay in aanay wax isbeddel ah samaynin tan iyo markii uu ka tegay Sir Alex Ferguson, waxaana uu ku dooday in Erik ten Hag aanu isaga ixtiraamin, taas beddelkeedana aanu isaguna wax ixtiraam ah u haynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here