Tirada muhaajiriinta sida sharci darrada ah ku galeysa Mareykanka oo korodhay.

0
57

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sarkaalka Mareykanka u qaabilsan ilaalinta amniga xuduudaha ayaa sheegay in laga codsaday in uu iscasilo ama la ceyriyo.

Chris Magnus – Guddoomiyaha Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha – ayaa difaacay shaqadiisa inkasta oo tirada sharci-darrada ah ee ka gudbaya xadka Mareykanka iyo Mexico ay gaareen heerkii ugu sarreeyay sanadkan.

Wararka waxay sheegayaan in sarkaalka uu diiday in is casilo isla markaana wuxuu difaacay shaqadiisa.

Ninkan ayaa dhaleeceyn kala kulmay tirada muhaajiriinta sida sharci darrada ah ku galeyso Mareykanka oo korodhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here