Shirkadda leh Facebook ee Meta oo kumannaan qof shaqada ka cayrineysa.

0
66

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Meta, oo iska leh Facebook, Instagram iyo WhatsApp, ayaa ku dhawaaqday inay dhimayso 13% shaqaalaheeda.

Shaqo ka eryiddaan oo ah tii ugu horreysay ee taariikhda shirkadda ayaa keeni doont in 11,000 oo shaqaale ah, oo ka soo jeeda tirada guud ee adduunka oo dhan 87,000, ay waayaan shaqooyinkoodii.

Madaxa fulinta ee Meta ayaa mar uu ka hadlayay shaqaale dhimistan waxaa uu yiri ” waa isbeddelkii ugu adkaa ee aan sameynay taariikhda Meta”.

Arrintaan ayaa daba socota, tallaabooyin shaqo joojin ah oo waaweyn oo ka dhacay shirkadda Twitter-ka, iyadoo shaqada laga eryay kala bar shaqaalaheeda, iyo shirkadaha kale eoo dhanka teknolojiyadda ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here