HORDHAC: Osasuna v Barcelona – Barca Oo LIX Dhibcood La Liga Ku Qaban Karta, Dhaawacyada & Xogaha Kulanka.

0
105

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona iyo macalin Xavi Hernandez ayaa caawa booqanaya dhigooda Osasuna kulan ay ku doonayaan inay ku dheeraystaan hoggaanka horyaalka La Liga.

Barca ayaa guul ay gaadho lix dhibcood oo saafi ah hoggaanka ku qaban si kumeel gaadh ah kaddib guuldarro xalay Real Madrid kasoo gaadhay Rayo Vallecano.

Dhinaca Osasuna tababare Jagoba Arrasate ayaan dhaawacyo cusub qabin balse waxa wali kasii maqnaan doona Eze Abde oo Barcelona amaah ugaga yimid iyo Kike Siverio.

Barcelona waxa liiska xiddigaheeda kulankan kusoo baxay daafaca dhexe ee Gerard Pique kaas oo Sabtidii laga soo macasalaameeyay gegida Camp Nou lana filayo inuu kubadda cagta ka fadhiisto.

Barca waxa wali dhaawacyo kaga maqan Jules Kounde, Sergi Roberto, Ronald Araujo, Memphis Depay iyo Franck Kessie balse waaxa usoo kabtay daafaca dhexe ee Andreas Christensen.

Balde iyo Jordi Alba ayaa kulankan labada daafac garab kusoo bilaaban kara iyadoo Christensen iyo Eric Garcia daafaca dhexe Pique kaga soo hormarayaan.

Gavi ayaa haddii uu shaxda asaasiga ah kusoo noqdo ay u badantahay inuu Sergio Busquets keydka galo oo De Jong booska No.6 ka dheelo.

Ferran Torres ayaa haddii uu Xavi doorto inuu keydka ku celiyo kulankan uu Ansu Fati saddexda boos weerar kala dheeli doonaa Dembele iyo Lewandowski.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here