HORDHAC: Barcelona v Almeria.

0
119

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa caawa garoonkeeda Camp Nou kusoo dhawaynaysa dhigeeda Almeria kulan ay doonayso inay hoggaanka horyaalka La Liga oo haatan farqiga goolasha looga hayo ay la wareegto.

Kulankan ayaa hadal hayntiisa ugu weyni tahay inuu yahay midka macasalaamaynta daafaca ruugcaddaaga ah ee Gerard Pique oo ay jirto hadal hayn ah inuu kubadda cagta gabi ahaanba ka fadhiisanayo.

Advertisements

Barcelona ayaa wali qabta dhaawacyo door ah waxaana kulankan ka maqnaan doona xiddigaha kala ah Ronald Araujo, Memphis Depay, Franck Kessie iyo Sergi Roberto.

Warka u wanaagsan Xavi Hernandez ayaa ah soo laabashada daafaca dhexe ee Andreas Christensen walow ay u badantahay in Gerard Pique iyo Juls Kounde kusoo wada bilaaban doonaan daafaca dhexe.

Xavi ayaa kala dooran doona inuu Jordi Alba iyo Alejandro Balde ku ciyaaro labada garab daafac amaba inuu Hector Bellerin daafaca midig kasoo dhigo.

Frankie De Jong ayaa kulankan keydka u laaban kara iyadoo Gavi iyo Pedri khadka dhexe kala soo muuqanayaan Sergio Busquets halka Raphinha oo safka weerarka kasoo muuqan karo.

Dhinaca Almeria kaliya waxa ka maqnaan doona laba xiddig oo kooxda koowaad ah oo kala ah Ivan Martos iyo Juanjo Nieto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here