“Waxay Ku Xidhantahay Isla Weynida Guardiola!!” – Ibrahimovic Oo Haaland U Diray Digniin La Xidhiidha Tababarihiisa.

0
111

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka ruugcaddaaga ah ee kooxda AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa digniin u diray da’yarka weerarka Man City ee Erling Haaland oo uu uga digay tababarihiisa Pep Guardiola.

Ibrahimovic ayaa wakhti kula soo qaatay Guardiola kooxda Barcelona, 41 sano jirkaas ayaa dhawaan sheegay in wakhtigaasi ahaa midkii ugu xumaa waayihiisa ciyaareed.

Ibra oo Canal+ la hadlayay ayaa sheegay inuu aad u jecel yahay Haaland isla markaana uu weeraryahano badan xasuusiyo balse koritaankiisu uu ku xidhnaan doono qabka iyo isla weynida Pep Guardiola.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here