Qaramada Midoobay oo ka Digtay baraf yaalla qeybo kamid ah dunida oo dhalaalaya.

0
99

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in saddex meelood meel barafka yaalla goobo ku yaalla adduunka ay meesha ka baxayaan marka la gaaro sanadka 2050-ka, sababo la xiriira isbeddelka cimilada.

Cilmi baadhayaashu, ayaa waxay isticmaaleen xogta dayax-gacmeed, si ay ula socdaan hoos u dhacaa ku dhawaad​​sagaal iyo toban kun xajmi baraf gaaraya.

Waxay ku soo gaba gabeeyeen baaritaankoodda, in xitaa haddii kororka heerkulka caalamiga ah laga dhigo mid ka hooseeya hal-dhibic- iyo- shan darajo, barafka yaalla goobaha sida Kilimanjaro ee dalka Tansaaniya iyo Yosemite ee dalka Maraykanka, ay baabi’I doonaan soddon sano gudahood.

Warbixinta hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka – UNESCO – ayaa sheegtay in haatan ay tahay xili xeero iyo fandhaal ay kala dhaceen, oo aanan waxba laga qaban karin isbeddellada socda; iyo in qiiqa caalamiga ah loo baahan yahay in si weyn loo dhimo, si loo yareeyo baaba’a ku socda barafka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here