Maroodi caanka ah Wadanka Kenya oo geeriyooday.

0
119

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dadka ilaaliya deegaanka iyo duurjoogta ee dalka Kenya, ayaa u baroor diiqaya Maroodi caan ahaa oo dhintay, oo 65 jir ahaa, kaasoo ku dhintay beerta qaranka ee Tsavo.

Maroodiga dhintay ayaa looggu wanqalay Dida, isagoo ku dhintay da weyn, sida ay sheegtay waaxda duurjoogta Kenya.

Dida, oo sidoo kale loo yaqaan “Boqoradda Tsavo” ayaa waxay ka badbaaday caqabado badan, sida abaarta iyo in laga ugaarsiga deegaanka ugu weyn ee Kenya.

Ilaaliyeyaasha ayaa bartooda Twitter-ka ku amaanay Dida, oo ay ku tilmaameen inay aheyd xayawaan ad adag markii ay dhibaato soo wajahdo.

Waxay dadka la wadaageen xubnihii xanaanaynayey maroodiga sawirro, kuwaaoso muujinaya iyada oo sii galeysa beerta duurjoogta ee ugu weyn waddanka, halka beertu ay leedahay ciidda cas.

Maamulka seeraha ayaa ku tilmaamay Dida, run ahaantii shucladdii seeraha qaranka Tsavo, iyo kayd weyn oo tobaneeyo sano oo xusuus mudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here