Xaaladda nafaqo-darrida carruurta Waqooyi Bari Kenya oo sii korortay.

0
128

Jowhar – ( Radio Isnaay  ) – Xarumaha caafimaadka Gaarissa ee Waqooyi-Bari Kenya ayaa la tacaalaya kumannaan carruur ah oo nafaqo-darro la il-daran, waxaana carruurtan laga kala keenay dhulka miyiga ah.

Maamulka Garissa ayaa sheegay in carruur ay tiradoodu 30-kun kor u dhaafeyso ay la liitaan nafaqo-darro, kuwaas oo haddii aan si degdeg ah loo nafaqo-celinin qarka u saaran cudurro kale amaba geeri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here