WHO oo ka dayrisay xaaladda caafimaadka gobolo kamid ah Itoobiya.

0
117

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saraakiisha Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO), ayaa sheegay in gelitaanka waqooyiga Itoobiya ay tahay arrin degdeg ah, si loo badbaadiyo nolosha malaayiin qof oo ay wajahaya “masiibo baahsan” oo dadka baabi’inaysa.

Cudurada Daacuunka iyo Jadeecada, ayaa laga diiwaan galiyay gobolada Axmaarada iyo Canfarta, halkaas oo hay’adaha gargaarku ay aad ugu yar yihiin.

Gobolka Tigray, halkaas oo aan hawada iyo dhulba aan midda laga gali karin muddo siddeed toddobaad ah, ayey hey’adda WHO awoodi Karin inay sawir cad ka hesho cudurrada dillaacay.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha hey’adda, ayaa waxay sheegeen in tallaalada carruurta ay joogsadeen, oo sahaydii dareerayaasha dawooyinka tallaalka ee IV-da, insulin-ta oo loo isticmaalo cudurka Sonkorta iyo antibiyootiga ay ka dhammaadeen xarumaha caafimaadka intooda badan. In ka yar toban xarumood oo caafimaad, ayaa ka hawl gasha gobolka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here