Elon Musk oo shirkadda Twitter ku iibsaday Lacag dhan $44 bilyan.

0
53

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Elon Musk ayaa noqday mulkiilaha cusub ee Twitter-ka Khamiistii, isagoo sidoo kale shaqada ka eryay madax sare oo uu ku eedeeyay inay marin habaabiyeen.

Maamulaha shirkadda baabuurta korontada ku shaqeysa ee Tesla Inc ayaa sheegay in uu doonayo in uu isbedel weyn ku sameynayo shirkadda Twitter, isla markaana uu ka dhigi doono goob ka caaggan been abuurka, kana ilaalin doono inay noqoto meel naceybka iyo kala qeybinta lagu faafiyoo, xitaa haddii ay dhacdo inuu xaddido faafreebka.

Hase yeeshee Musk ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan sida uu ku gaari doono waxaas oo dhan iyo cidda maamuli doonta shirkadda.

Wuxuu sheegay inuu qorsheynayo inuu dhimo shaqooyinka shirkadda, taasoo ka dhigeysa ku dhawaad 7,500 oo shaqaale inay ka welwelaan mustaqbalkooda Twitter-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here