Ilaalada Xeebaha Talyaaniga oo badbaadiyay in ka badan 1,000 qof oo tahriibeyaal ah

0
118

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa Arbacadii sheegay inay Badweynta Mediterranean-ka kasoo badbaadiyeen in ka badan 1,000 Tahriibayaal ah oo la socday laba doomood oo kalluumaysi, halka laba qof oo kale oo mayd laga soo saaray badda.

Labadan hawlgal ee “isku-dhafan” ee xeebaha Syracuse ee Sicily, oo ay ku lug lahaayeen doomo ka yimid Liibiya, ayaa daba socday digniin Talaadadii ka timid khadka isgaariinta marinktaas ee Alarm oo ah koox maamusha khadka tooska ah ee muhaajiriinta u baahan samatabbixinta.

Doontii ugu horeysay, oo qiyaastii 35 mayl u jirta xeebta Sicilian, markab ay leeyihiin ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay 416 muhaajiriin ah, halka markab ilaalada Spain oo la shaqeeya ciidamada xudduudaha Midowga Yurub ee Frontex uu badbaadiyay 78 kale.

Dooni labaad oo kalluumeysi, oo 60 mayl u jirta xeebta, maraakiibta ilaalada xeebaha iyo booliiska dambiyada maaliyadeed ee Talyaaniga ayaa kusoo baxay si ay u badbaadiyaan 663 muhaajiriin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here