Graham Potter Oo Magacaabay Xiddig Muhiim Ah Oo Kooxdiisa Ka Maqnaanaya Kulanka Champions League Ee Salaasada.

0
55

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Chelsea ee Graham Potter  ayaa shaaciyey xiddig muhiim ah kooxdiisa ka maqnaan doona kulanka RB Salzburg ee Champions League ee habeen dambe, kaddib markii uu seegay kulankii barbarraha ee Stamford Bridge ee Manchester United ee Sabtidii.

Tababarkii ugu dambeeyey ee ay Chelsea iskugu diyarinaysay ciyaarta RB Salzburg ayaa waxa ka maqnaaday difaaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly oo ay Blues 33 milyan oo Gini xagaagii kaga soo iibsatay Napoli.

Graham Potter ayaa rajaynayay in uu Koulibaly kasoo kaban doono dhaawac jilibka ah oo kasoo gaadhay ciyaartii London derby ee Brentford, waxaana sidoo kale la filayaa in uu seegi doono kulanka kooxda kale ee reer London ee Brighton ee toddobadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here