Midowga Afrika oo Isniinta u ballansan furitaanka wadahadallada nabadeed ee Itoobiya.

0
110

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Midawga Afrika ayaa Jimcihii sheegay in wadahadalada nabadeed ee lagu xallinayo dagaallada ka socda dalka Ethiopia inay maalinta Isniinta ka bilaabmi donaan dalka Koonfur Afrika, ka dib ballanqaadyo ay sameeyeen dawladda Ethiopia iyo masuuliyiinta Tigray-ga oo sheegay inay ka qaybgelayaan kulankaas.

Dawladda Ethiopia iyo xulafadeeda oo ay ku jiraan ciidamada milateriga ee Eritrea, ayaa tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2020 kula dagaalamayey kooxda TPLF woqooyiga dalka Ethiopia. Dagaaladan yay ku dhinteen kumanaan qof, malaayiin qofna waa ku barakaceen, halka boqollaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin inay soo foodsaarto macaluul baahsani.

Golaha ammaanka iyo nabadda ee Midawga Afrika ayaa sheegay Jimcihii inay soo dhowaynayaan “ballanqaadyadii labada dhinac ee ahaa in si dhab ah looga wada qayb qaato geeddi-socodka nabadda”

Redwan Hussein, oo ah la taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay in dowladdu ay ka qaybgeli doonto wada-hadallada uu hoggaaminayo Midowga Afrika oo dhacaya 24-ka bishan Oktoobar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here