Wilfried Zaha Oo Go’aansaday In Uu Ku Biiro Koox Weyn Oo Premier League Ah.

0
112

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka Crystal Palace Wilfried Zaha ayaa lagu soo waramayaa inuu dajiyay qorshihii uu ugu dhaqaaqi lahaa Liverpool sanadka soo socda.

29-sano jirkaan ayaa 27 sano joogay Crystal Palace inkasta oo sanadihii uu joogay lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda.

Zaha ayaa xilli ciyaareedka 2022-23 ku bilaawday qaab ciyaareed xoogan isagoo dhaliyay 5 gool isla markaas caawiye ka noqday mid kale 9 kulan oo uu ciyaaray premier League.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Crystal palace waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxsa.

Kooxaha chelsea, Tottenham iyo Arsenal ayaa dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiyaan weerarkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here