TikTok oo Wax ka Badal ku Sameeysay Da’da dadka live-ka sameyn kara.

0
419

Jowhar – ( Radio isnaay ) – TikTok waxay sare u qaadaysaa da’da ugu yar ee dadka isticmaali kara Live-ka. Da’daas oo markii hore ahayd 16 jir iyo wixii ka wayn, iyadoo ka dhigtay 18 jir.

Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in boqollaal akoonno ah oo si toos ah uga imaanayay xeryaha qaxootiga ee Suuriya, Kuwaas oo taakuleyn deeq ah loogu raadiyay muuqaallo toos ah oo lagu baahiyo TikTok.

Mustaqbalka, dadka waaweyn oo keliya ayaa awood u yeelanaya inay “diraan haddiyadaha,” ayay tiri TikTok.

Waxay intaas ku dartay in “toddobaadyada soo socda”, ay u oggolaan doonto macaamiisha inay sii wadaan Live-ka dadka waaweyn oo kaliya.

Hase yeeshee, ma cadda sida TikTok ay u fulin doonto xayiraadaha da’da.

Shirkaddu waxay sheegtay in waxyaabaha noocaan ah aan loo oggolayn in boggeeda lagu isticmaalo, waxayna tilmaantay in haddiyadaha dhijitaalka ah ay aad uga yar yihiin 70%. Laakiin, shirkaddu way diidday inay xaqiijiso tirada saxda ah.

Horraantii sanadkan, dadka adeegsada TikTok waxay arkeen qoysaska ku jira xeryaha Suuriya oo si toos ah uga dhex tuugsanaya TikTok, iyaga oo taageero ka helaya daawadeyaasha qaar, waxaana jira welwel ku saabsan in dad kale ay ku tuugsanayaan qaxootiga oo khiyaanada ay ka dambeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here