Kylian Mbappe Oo PSG U Sheegay Shuruuda Kaliya Ee Uu Kooxda Kusii Joogayo!!

0
125

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa u sheegay maamulka kooxda sida kaliya ee uu ku dhammaysan karo heshiiskiisa kooxda uu dhawaan u saxeexay.

Tiro sababo ah ayaa lagu sheegay sababta uu Mbappe markale u doonayo inuu baxo waxaana kamid ah inuusan booska uu jecel yahay ka ciyaarayn iyo inaan kooxda la keenin saxeexyadii xagaagii loo ballanqaaday.

Sababta ugu weyn ayaa u muuqata weeraryahan Neymar Jr oo ay kooxda wada joogaan, xidhiidhkooda ayaan ahayn mid wacan bilihii ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here