Goolhayihii Ugu Fiicnaa Sannadka Ee Ku Guuleystay Yashin Trophy Oo La Shaaciyey

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Goolhayaha kooxda kubadd cagta Real Madrid ayaa  ku guuleystay abaal-marinta Yashin Trophy ee goolhayihii ugu fiicnaa dunida sannadkii ugu dambeeyey, kaddib markii uu kooxdiisa Real Madrid ka caawiyey in ay ku guuleysato Champions League, La Liga, UEFA Super Cup Cup iyo koobab kale.

Courtois ayaa abaal-marainta goolhayaha sannadka waxa uu ku garaacay afar goolhaye oo kale oo guulo waaweyn soo hooyey.

Laacibka xulka qaranka Belgium oo qiimaynta ugu badan ku helay bandhiggii uu ka sameeyey kulamadii Champions League ee PSG, Chelsea, Manchester City iyo Liverpool oo ahaa laga soo bilaabo wareegii 16-ka illaa finalkii ayaa waxa uu abaal-marinta goolhayaha sannadka ka qaaday Alisson (Liverpool), Ederson (Manchester City), Mike Maignan (Milan) iyo Édouard Mendy (Chelsea)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here