Dhalmada Dumarka oo yaraatay Yurubta Galbeed xilligii Xayiraadda Covid 19.

0
118

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Yurub ayaa lakulantay 14% hoos u dhac dhinca dhalmada ah bishii Jannaayo 2021 kii marka loo barbardhigo sanadkii ka horreeyey – Hoos u dhacaas waxaa la qiyaasayaain uu ka dhashay maowjadihii ugu horreeyey EE cudurka Covid -19 , sidaasna waxaa lagu sheegay cilmi baaris la sameeyey .

Jannaayo 2021 waxay aheyd sagaal ilaa toban bilood ka dib markii la soo rogay xayiraadda Covid-19.

Markii xayiraaddu dheeraatay waxay arrintani keentay in uur qaadista dumarku ay yaraato, sida cilmi baaristu sheegtay .

Hoos u dhacaas wuxuu ahaa mid caam ah siiba dalalka hannaankooda caafimaad uu dhibaatada ku jiray

Romania iyo Lithuania ayaa lagu arkay hoos u dhicii uurka ee ugu badnaa waxaana lagu qiyaasay28% iyo 23%halka Sweden oo aan xayiraad ka jirin dumarku si caadi ah u dhalayeen sida lagu xusay waxyaabo la ogaaday oo lagu daabacayj oornaalka Human Reproducton .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here