Dibad baxyo looga soo horjeedo dilalka Dameeraha oo ka dhacay Nigeria.

0
130

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Boqolaal qof oo reer Nigeria ah ayaa ka sameeyay caasimadda Abuja dibadbax ay kaga soo horjeedaan sida sharci darrada ah ee ay dameeraha ku gowraceen dad u dhashay Shiinaha, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Waxa ay sheegeen in dilka dameeraha uu sii socdo inkastoo dowladdu ay amar ku bixisay in la joojiyo dhibaatadaasi.

Ururada Bulshada Rayidka ah ee soo qaban qaabiyay Mudaaharaadkan ayaa Wasiirka Beeraha ku eedeeyay inuu u fasaxay dad Ajaanib ah inay ka ganacsadaan Dameeraha.

Hindise sharciyeed lagu xakameynayo ganacsiga dameeraha ayaa hadda la horgeynayaa baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here