Koox Ruushka taageersan oo weerar dhinaca Internet-ka ah ku qaaday garoomada Maraykanka

0
106

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mareegaha internetka ama websites-ka ee qaar ka mida garoomada diyaaradaha ee waaweyn ee dalka Maraykanka ayaa hawada ka baxay ama culays badan dareemay, Isniintii, taasoo u muuqata inay tahay weerar abaabulan oo lala beegsaday.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay inaanay tallaabadani saamayn ku yeelan duulimaadyadii caadiga ahaa.

Weeraradan ayaa daba socday, ka dib baaq ay soo saareen koox taageersan dalka Ruushka oo isku magcaabay Killnet, kuwaas oo sheegay inay qaadayaan weeraro abaabulan oo hakinaya isticmaalka adeegyada ee goobaha ay bartilmaameedsadaan. Kooxdan ayaa barta ay ku leedahay Telegram waxay ku soo daabacday, bartilmaameedyo u qorshaysan inay weeraraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here