Dowladda Nigeria oo dadkeeda uga digtay sharoobo lala xiriiriyay dhimashada tiro carruur ah.

0
122

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nigeria ayaa muwaadiniinteeda uga digtay isticmaalka sharoobo lala xiriiriyay dhimashada tiro carruur ah oo ku noolaa dalka Gambia.

Sharoobooyinkan ayaa waxaa soo saartay shirkad laga leeyahay dalka Hindiya , waxaana laga shakiyay inay ku jirto maado sun ah.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa dunida uga digtay isticmaalka dawadaas.

Waaxda tayo dhowrka dawooyinka iyo cuntada Nigeria ayaa shacabka ka codsatay inay iska ilaaliyaan isticmaalka dawadaas.

Waxay sheegtay in maadada suntan ah ee laga shakiyay inay ku jirto dawada , waxay sababtaa, calool xanuun, matag, shuban, kaadida uu qofka dhibtoodo, madax xanuun iyo dhaawac soo gaara kelyaha taasoo horseedi karta dhimasho.

Dawooyinka ayaa lagu kala sheegay Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Cough Syrup iyo Magrip N Cold Syrup. Shirkadda Maiden waxay ku guuldareysatay inay bixiso damaanad ku saabsan badqabka dawada.

Dowladda Gambia waxay joojisay isticmaalka sharoobadan, ugu yaraan 69 dhimasho ah ayaa lala xiriiriyay sharoobadan qufaca ee carruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here