Sarkaal sare oo Maraykan ah oo ku baaqay in Maraykanku uu joojiyo iskaashiga uu la leeyahay Sucuudiga.

0
82

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Debedda ee Golaha Senateka Maraykanka, Robert Menendez ayaa Isniintii ku baaqay in la hakiyo dhammaan iskaashiga Maraykanku uu la leeyahay dalka Sucuudiga, isaga oo si adag u muujinayey, sida Maraykanku uu uga cadhooday tallaabadii uu Sucuudigu qaaday, ee fursadda dhaqaale siinaysay dalka Ruushka.

Bayaan uu soo saaray Senator Menendez ayuu ku baaqay inaan wax hub ah laga iibin dalka Sucuudiga, isla markaana in la joojiyo iskaashiga amni ee ka dhexeeya labada dal, marka laga reebo arrimaha lagama maarmaanka u ah danaha Maraykanka iyo difaaca amniga qaranka. Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa in ka badan 70 sannadood ah waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinaca amniga ah iyo weliba heshiis dhinaca ganacsiga hubka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here