Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle ayaa Maanta ka furmay Magaalada Jowhar waxaana loo qabtay Suxufiyiin isugu Jira kuwa ka shaqeeya Tvyada, Idaaacadaha iyo Website-yada ee ka howlgala Caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar waxa uuna Tababarkan socon doona muddo sedex maalin ah iyado lagu baran doono bedqabka weriyaha, anshaxa saxaafadda, tabinta wararka goobaha ay colaadaha ka jiran iyo cashiro kale oo muhiim ah.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Cabdicasiis Xasan Macalin.