Magaalada NewYork ee dalka Mareykanka oo xalad degdeg ah la geliyay.

0
66

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah si wax looga qabto “xaalad qalalaase” oo ka dhalatay qulqulka muhaajiriinta.

In ka badan 17,000 ayaa magaalada ka soo galay xadka koonfureed tan iyo bishii Abriil.

Gobollada Jamhuuriga sida Texas, Arizona iyo Florida waxay soogalootiga u diri jireen aagagga Dimuqraadiga bilihii la soo dhaafay.

Mr Adams ayaa shir jaraa’id ku sheegay Jimcihii in ilaa Sebtembar, celcelis ahaan shan ilaa lix bas ayaa imanayay magaalada maalin kasta.

Wuxuu sheegay in mid ka mid ah shantii qof ee ku nool nidaamka hoyga magaalada uu hadda yahay magangalyo doon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here