13 Qof oo Udhashay dalka Zambia oo la soo furtay kadib Markii lix bilood ay afduubnayeen.

0
101

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saddex iyo toban gabdhood oo dhalinyaro ah, oo dad aan la garaneyn ay ku afduubteen dalka Zambia,ayaa lasoo badbaadiyay bilo kadib markii la waayay.

Haweenkan oo da’doodu u dhaxayso 17 ilaa 28 jir, ayaa waxa ku jirta haweeney nin ka shaqaysay telefoonnada gacanta.

Haweeneydan ayaa noqotey bud dhiga dadka la afduubay, kadib markii la baahiyey muuqaal ay ku jirto iyada, oo bir lagu garaacayo, taasoo codsanaysa in loo naxariisto lix bilood ka hor.

Afduubayaasha ayaa dalbanayay lacag madax furasho ah. Booliiska ayaa bilaabay baaritaan ay ku sameynayaan dadka la afduubtay, iyadoo aaney waxba ka soo bixin.

Balse isniintii, mid kamid ah dadka la afduubay, ayaa ku guuleystey inuu miisaamo darbiga guriga lagu haystey ee ku yaalla magaalada caasimadda ee Lusaka, gaar ahaan xaafadda Chalala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here