Liverpool Oo Guul Weyn Gaartay, Napoli oo Xasuuq Naxariis-darro Ah Geysatay Iyo Tottenham oo Lagu Dhegay.

0
128

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa kusoo laabatay jidka guusha, waxaanay saddex dhibcood ka qaadatay Rangers oo marti ugu ahayd Anfield oo ay ku wada jiraan hormada A ee tartanka Champions League, taas oo ay ku garaaceen 2-0.

Trent Alexander-Arnold ayaa iska maydhay ceebtii iyo canaantii loogu jeedinayay kulankii Brighton & Hove Albion ee Sabtidii, waxaanu waqti horeba kooxdiisa hoggaanka ugu dhiibay laad xor ah oo uu meel fog kaga toogtay oo uu goolhaye McGregor awoodi waayay in uu badbaadiyo inkasta oo uu arkayay in ay kubaddu kusoo socoto goolkiisa.

Anfield ayaa isla oogsaday daqiiqaddii 7aad oo uu Alexander-Arnold goolkan saxeexay, waxaana sidoo kale u dabbaal-degay tababare Jurgen Klopp oo ku farxay in ciyaartoy warbaahintu aad u dhaliilaysay uu dib ugu helay kalsoonida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here