Dowladda Congo oo wada qorshe lagu sahaminayo shidaal iyo walaac laga muujiyay.

0
132

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda u dhaqdhaqaaqda arrimaha deegaanka ee lagu magcaabo GreenPeace Africa ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in sahaminta shidaalka iyo gaasta ee la qorsheeyey in laga sameeyo bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo inay halis gelinayso nolosha in ka badan 1 milyan oo qof, kuwaas oo laga yaabo inay waxyeelo ka soo gaadho hawada oo wasakhowda ama xanuuno kale.

Dalkan ayaa qorshaynaya inuu iibiyo illaa 30 xidhmo oo ku yaalla dhinaca Bari ee dalkaas, waxaana meelaha shidaalka laga baadhayo ku jira, dhulka seerayaasha ah ee caanka ku ah xayawaanka Gorilla-aha iyo duurjoogta kale, waxaana laga cabsi qabaa in sahamintan qorshaysani inay khatar geliso duurjoogta, dalaga beeraha, iyo inay kor u qaaddo colaadaha iyo faqriga ka jira dalkaas.