Daafaca Barcelona Ee Diyaar U Noqon Doona Kulanka Clasico Oo La Ogaaday.

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa warar dhiilo leh ka heshay fasaxa kulamada caalamiga ah iyadoo halkaas ay kaga dhaawacmeen xiddigo badan oo muhiim ka ah shaxda tababare Xavi Hernandez.

Xiddigahaas ayay kamid yihiin labada daafac dhexe ee asaasiga u ah Barca ee Jules Kounde iyo Ronald Araujo oo dhaawacyo uga baxay kulamo ay France iyo Uruguay kala metelayeen.

Si kastaba, wargeyska Diario AS ayuu haatan kasoo yeedhayaa war u wanaagsan dhagaha jamaahiirta Barcelona oo sheegaya in Kounde uu fursad u haysto inuu diyaar u noqdo kulanka Clasico ee ay Real Madrid booqanayaan 16-ka bisha dambe ee October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here