Kiisaska Ebola ee Uganda oo kordhay xilli uu fidayo cudurkaasi.

0
126

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tirada dadka looga shakisan yahay in ay qabaan cudurka Ebola ee dalka Uganda ayaa sii kordheysa.

Maamulka wuxuu sheegay in ay jiraan 34 kiis oo cusub oo laga shakisan yahay kuwaas oo aan dhammaantood weli la xaqiijin.

Cudurkan Ebola nooca Sudan strain ayaa inta uu ka dillacay Uganda lagu dhawaaqay maalinimadii Talaadada.

Dhimashadii ugu horreysay ee la xaqiijiyey waxay aheyd nin 24 jir ah oo ku waayey xubno qoyskiisa ah oo gaaraya lix qof toddobaadkii uu horreeyey ee Bishan.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Uganda waxay rumeysan yihiin in 21 qof ay u dhinteen feyraska Ebola.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here