Xulka Portugal Oo Geystay Xasuuq Kulan Dhiig Ku Daatay.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka Portugal ayaa hoggaanka u qabtay hormada League A: Group 2 ee tartanka UEFA Nations League, kaddib markii ay 4-0 ku garaaceen Czech Republic oo rikoodhe ay kusoo noolaan lahayd iska lumisay, waxaanay Portugal yeelatay 10 dhibcood iyaga oo ka faa’iidaystay guul-darro soo gaadhay Spain.

Diogo Dalot ayaa isku rogay gool-dhaliyaha xulka qaranka Portugal ee qaatay burhaantii Cristiano Ronaldo oo isaga oo garoonka dhex joogay 90kii daqiiqadood awoodi waayey in uu shabaqa soo taabto, waxaana uu Dalot dhaliyey laba gool oo labadii qaybood ah, halka  labada kalena ay ku dareen Bruno Fernandes iyo Diogo Jota.

Xulka Portugal oo marti ahaa ayaa waxa hoggaanka ciyaarta ay qabteen daqiiqaddii 33aad oo uu Diogo Dalot gool u beddelay kubbad uu ka helay Rafael Leao, halka daqiiqaddii ugu dambaysay qaybta horena uu goolka labaad ee Boortaqiiska uu dhaliyey Bruno Fernandez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here